Dagaal ay ka qeybgaleen diyaaradaha dagaalka Kenya oo galabta ka dhacay Gedo

Dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al Shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Dagaalka oo galabta qarxay ayaa ka danbeeyey marki ciidamada dowlada ay weerareen ilaa iyo sadex tuulo oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere oo ay fariismo ku lahaayeen Al Shabaab.

Adan Axmed Xirsi, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalka ilaa iyo 7 ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab.

“Inta u dhaxeyso Garbahaareey iyo Baardheere, dagaalka wuxuu ka danbeeyey kadib marki dadka deegaanka ay weerareen saldhigyo ay Shabaab leeyihiin, anagana gurmad ahaan aayaan goobta ku gaarnay waxaana anaga iyo shacabki dilnay 7 ka tirsan Shabaab,” ayuu yiri.

Al Shabaab ayaa iyana guulo ka sheegtay dagaalka, waxaana ay ku adkesyteen in ay wali joogaan goobihi lagu dagaalamay.

Diyaaradaha dalaaka Kenya ayaa la xaqiijiyey in ay ka qeybgaleen, iyaga oo duqeeyey dhowr xarumood oo ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanada baadiyaha ah ee u dhaw magaalada Garbahaareey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.