Dagaal Al Shabaab iyo ciidanka Kenya ku dhexmaray deeganaka Taabta

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo ururka Al Shabaab ee dhawaan la midoobay Al Qaacida.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Kenyan ah kuwaasi oo marayey meel u dhaw deegaanka Taabta.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa xaqiijiyey in dagaalka ay ka qeybgaleen diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka qeybgaleen kadib marki uu aad u xoogeystay.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, balse ilo wareedyo labada dhinac ah ayaa xaqiijiyey inuu jiro qasaaro nafeed oo ka dhashay dagaalka.

Al Shabaab ayaa mar walba wadada u gala kolonyada ciidamada Kenya, waxaana inta badan dagaaladaasi oo ah ku dhifoo ka dhaqaaq ay yimaadaan waqtiyada ay safrayaan ciidamada Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.