Dagaal Al Shabaab & Ciidanka Dawlada ku dhexmaray Muqdisho

Ciidan katirsan Al Shabaab
Ciidan katirsan Al Shabaab

Dagaal Xoogan oo udhaxeeyey Ciidanka Dawlada iyo kuwa Al Shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho iyadoona warar dheeraad ah kasoo baxayaan dagaalkaasi.

Xalay Fiidkii ayuu dagaalkaan ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa gaar ahaan halka loo yaqaano Biya Degga Suuqa Xoolaha waxaana la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Al Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Fariisimo ciidanka Dawlada ay ku lahaayeen Xaafada Suuqa Xoolaha waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay maadama xilliga uu ahaa Habeen dadkuna ay guryahooda ku jireen.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Al Shabaab iyo Ciidanka dawlada waxay dagaalo ku dhexmareen qeybo katirsan Magaalada Muqdisho waxaase khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa shacabka aan waxba galabsan ee ka ak dhaw meelaha lagu dagaalamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here