Al-shabaab oo xalay weerar kusoo qaaday degmada Balcad

Xalay saqdii dhexe ayaa marqura degmada balcad waxaa laga maqlay dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda,dagaalkan ayaa udhaxeeyay Ciidamada Doowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Al-shabaab ayaaweerar xoogan sadex jiho kaga sooqaaday magaalada saacadu markeey ahayd 1:10,waxa uuna istaagay 3:00 oo habeenimo,ilaa iyo hada lama soo sheegin wax qasaaro ah oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalameeysay iyo dadka rayidka ah maadaama ay ahayd xili habeen ah.

Dadka dagan magaalada oo aan laxiriirnay waxay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan layskuna adeegsaday hub cul culus, sidookale waxay sheegeen in Al-shabaab ay magaalada ku garaaceen madaafiicda Hoobiyaha.

Waa dagaalkii ugu cuslaa ee kadhaca magaalada Balcad tan iyo markii ay lawareegeen ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here