Dag dag: Dastuurka KMG Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyey

Ergada u fadhiday maalmahan dastuurka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey.

Gudiga codbixinta oo kala ahaa Prof. Xuseen Warsame iyo Nimca Axmed ayaa ku dhawaaqay, waxaana ay sheegeen in ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen 621, halak ay diideen 13, 11 kalana waay ka aamuseen.

Guud ahaan dadka codkooda dhiibtay waxay ahaayeen 624 ruux oo ka mid ahaa ergada 825 xubnood ee ay guud ahaan ka koobnaayeen.

Marka laga eego ansixinta, 96% ayaa haa dhahday, 2% waa diiday, 2% waa ka aamuseen.

Waa dastuurki labaad oo dalka Soomaaliya loo ansixiyo, kii ugu horeeyey wuxuu ahaa dastuurkii lixdankii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here