Dadweynaha Muqdisho oo ra’yigooda laga weydiiyay xaalada jirta

magalada MuqdishoNatiijadii ra’yi ururinta laga qaaday dadweynaha G/Banaadir

Hay’adda Diiftire Somalia waxa ay qaaday Ra’yi Ururin Dadweyne oo ay weydiimo kooban oo ku saabsan waxqabkii Xukuumadda muddadii sanadka aheyd oo ay jirtay.

Howsha Ra’yi Ururintu waxa ay socotay 3 maalmood, 24-26 November, 2013,waxaana la beegsaday bulshada qeybaheeda kala ah, Haweenka, Dhallinyarada, Gananacsatada,

Ardeyda Jamacadaha, Ciidamada, Aqoonyahanada, Odoyaasha, Xoogsatada Madaxa-bannaan IWM, waxaana ka qeybqaatay dadweyne dhan 5,111 [ shan kun boqol iyo kow iyo toban qof ] , oo ku baahsan Degmooyinka Gobolka Banaadir [ Wadajir, Hodan, Waaberi, Howlwadaag, Wardhiigley, Boondheere, XamarWeyne, Shangaani, Xamar Jajab, CabdiCasiis, Shibis, Iyo Kaaraan ], waxa ayna Ra’yi Ururiyaashu booqdeen Suuqyada, Goobaha Gaadiidka Dadweynaha, Jaamacadaha, Hoteelada, iyo Baraha Dadweynuhu ku kulmo, oo ay ku weydiiyeen shaqsiyaadkii ay la kulmeen sida ay u arkaan:

1). Waxqabadka Xukuumadda, dhinacyada: Amniga, Maamul-Wanaagga, Musuqmaasuqa, Dibuheshiisiinta IWM.

2). Xil Gudashada Baarlamaanka Federaalka ee dhinacyada Horumarinta Dastuurka, La Xisaabtanka Xukuumadda iyo Sharci Dejinta. Natiijadii soo baxdeyna waxa ay noqotay sidatan:

72% Waxa ay qabaan in Xukuumaddu aysan gudan xilkeedii.
28% Waxa ay qabaan in ay xilkeedii gudatay.
51% Waxa ay qabaan in Barlamaanku uu si wanaagsan u shaqeynayo.
49% Waxa ay qabaan in Barlamaanku uusan si wanaagsan u shaqeyneyn.

H A Y’A D D A X U Q U U Q D A I Y O H O R U M A R INTA.

Diiftire Somalia: Email. diiftire@yahoo.com, Mogadishu, Kismayo and Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here