Dadki ugu danbeeyey oo maanta kasoo baxaya deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye

Inkastoo ay jiraan qoysas tira badan oo awoodi la, in ay kasoo baxsadaan colaada guryahooda ugu timid ee deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa hadana waxaa saakay ka barakacay deegaanadaasi qoysaski ugu badnaa.

Kadib marki shalay yara la furay wadada laamiga ah si dadka ay u awoodaan in ay uga baxaan ayaa waxaa jidkaasi buuxiyey gaadiid kala duwan oo wada dad barakac ah oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Saakay ayeysa ka badantahay tirada baabuurta wada qaxa oo u baxaya laba wado ee laamiga soo aada Muqdisho iyo kan dhanka Afgooye aada ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka meelaha ay u carareen waxaa ka mid ah Muqdisho, Shabeelaha Hoose iyo Bay iyo Bakool, qaarkoodna waxaaba la leeyahay waxay qabteen dhanka Jubada Hoose si ay uga sii talaabaan xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.