Dadka reer Masar oo maanta dhowraya nariijada doorashada

Masaarida ayaa maanta ka war sugaya natiijada doorashada madaxtinimada dalka Masar taasi oo ay gudiga doorashooyinka dib u dhigeen kadib marki si isku celis ah ay ugu tar tameen labada murashax oo aad u kala fikir duwan.

Natiijada ayaa la sugayaa in la iclaamiyo saacadaha soo aadaan, waxaana labada nin oo kala ah Mohammed Mursi iyo Ahmed Shafiq ay wada sheeganayaan guulo iyaga oo mar horaba balan qaaday in ay soo dhisayaan dowlad loo dhanyahay.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa dibadbaxyo ka dhigayey maalmahan magaalooyinka waaweyn ee Masar, xilli qalalaasaha siyaasadeed uu cirka isku sii shareerayo.

Natiijada maanta ayaa laga yaabaa in ay kiciso rabshado aanan damin hadii uu ku guuleysto doorashada Axmed Shafiq.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.