Dadka reer Masar oo maalinti labaad codadkooda dhiibanaya + Sawiro

Malaayiin ruux oo masaari ah ayaa maalinti labaad u dareertay saakay codbixinta doorashada madaxtinimada dalkaasi oo ah tii ugu horeysay oo xor ah.

In ka badan 50 milyan oo ruux oo loo diiwaan geliyey in ay codadkooda dhiibtaan ayaa go,aan ka gaari doono qofka noqon doona madaxweynaha soo aadan ee, kadib 15 bilood marki kacdoon awooda loogaga tuuray madaxweynihi hore Mohamed Hosni Mubarak.

Tartanka ayaa u dhaxeeya murashaxiin Islaamiyiin ah iyo kuwo horay ula soo shaqeeyey maamulki hore ee Mubarak, waxaase dhamaan musharaxiinta ay ka koobanyihiin 12.


Arbacadi shalay aheyd, dadka safaf dhaadheer ayey ugu jireen qaar ka mid ah goobaha cod bixinta waxaana lagu tilmaamay doorashadi shalay mid ay dadka si weyn ugu soo baxeen.


Ma jirin wax rabshada ah wax walbana si dagan ayey u socdeen, marka laga reebo dibadbaxyaal dhagxaan iyo kabo ku tuuray gaadiid kolonyo ah oo uu la socday mid ka mid ah murashaxiinta oo lagu magacaabo Ahmed Shafiq, kaasi oo ahaa ra’isulwasaarihi ugu danbeeyey ee Mr Mubarak.

Waxaa kale oo jira warar sheegayey in koox dumar ah loo diiday in ay codkooda dhiibtaan marki ay ka dhaga adeegeen in ay wajiga ka qaadaan indha shareer ay labisnaayeen.

Mareykanka ayaa ku tilmaamay doorashada mid muhiim u ah shacabka Masar, afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibada Victoria Nuland ayaa tilmaantay in ay ahmiyad u leedahay ka guurista xiliga kala guurka iyo u wareegida dimoqraadiyad.

Dadka ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah:

1-Ahmed Shafiq, waa taliye hore oo ciidamada cirka ah, isla markaana mudo kooban soo noqday ra’isulwasaare mudadi uu socday kacdoonki sanadki 2011.

2-Amr Moussa, oo soo noqday wasiirka arrimaha dibada, isla markaana madax usoo noqday Jaamacada Carabta.
3- Mohammed Mursi, oo madax u ah Xisbiga Xorriyada iyo Cadaalada ee ikhwaanul Muslimiin.

4- Abdul Moneim Aboul Fotouh, oo ah hogaamiye Islaami ah oo madax banaan.

Waxaa haatan kusoo kordhay nin aanan la fileyn oo lagu magacaabo Hamdiin Sabaaxi oo ka socdo Xisbiga Naasiriist oo ah xisbi ay ku weyntahay carbnimada, waxaa uu aad u taageeraa madaxweynihi ee Masar Jamaal Abdnisir.


Musharaxaan ayaa waxaa aad u taageersan dhalinayaradi majaraha u heysay kacdoonki lagu riday Xusni Mubaarak.

Musharaxiinta kale ee iyana ka qeybgaleysa doorashada waxay kala yihiin, Muhammad al-Awwa, waa mufakir Islaami ah, Hisham al-Bastawisi, waa xaakim, Abu al-Izz al-Hariri, waa xubin baarlamaanka ugu jirto xisbiga Hantiwadaag iyo Khalid Ali oo ka socda Dhaqdhaqaaqa garabka bidix.

Doorashadan taariikhiga ah ee haatan ka socoto Masar ayaa waxaa sabab u ahaa kacdoonka Guga Carabta oo sanadki hore kasoo bilowday dalka Tunizia.

Tunizian-ku ayaa mudaaharaad ku riday madaxweynihi hore Zine al-Abidine Ben Ali oo mudo ku dhawaad 30-sana ah xakumaye.


Waxaa ku xigay madaxweynihi hore ee Masar Hosni Mubarak, oo in ka badan 30 sano xakumayey, wuxuu is casilay 11-ki February 2011 kadib 18 maalin oo ay soceen banaanbaxyo aanan kala go,laheyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.