Dadka Reer Gedo Oo Ku Baaqay In La Dajiyo Colaada Kismaayo

Waxaa gobolka Gedo ka socda dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan waxgaradka, oday dhaqameedyada, saraakiisha ka tirsan doowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo isku diyaarinaya sidii ay ugu anbo bixi lahaayeen magaalada Kismaayo, iyadoona ujeedkoodu yahay ineey kala dhexgalaan labada dhinac ee halkaas isku dagaalay.

Xaalada Kismaayo ayaa wali u muuqata mid aan weli saldhigan.

Dhanka kale waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray magaalada Kismaayo Jenral Moragan, oo kamid ah siyaasiyiinta uu hunguriga siyaasadeed kaga jiro magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale la filayaa in maanta halkaas ay gaaraan siyaasiyiin waaweyn oo kasoo jeeda magaaladaas si loo dajiyo xiisada dagaal.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka’imaanaya magaalada Kismaayo, ayaa ku waramaya in saakay Xaalada ay aad udagantahay, laakiin qadkii isgaariinta uu weli hawada ka maqanyahay.

Dhanka kale Xilibaanada baarlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Jubooyinka ayaa baaq u diray labada dhinac eek u dagaalamay gudaha magaalada Kismaayo.