Dadka reer Baydhabo oo marki ugu horeysay si xor ah oga dooday amaanka magaaladooda


Dood cilmiyeed looga hadlayay Nabada magaalada Baydhabo oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, Odayaasha dhaqanka, malaaqyada, haweenka iyo dhalinyarada ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa ahaa kii u horeeyay ee magaalada lagu qabto, todobaad kadib markii laga xoreeyay Al-Shabaab.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeedkan aayadaha quraanka Kariimka ku furay Sheekh Cabdi oo ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka ku baraarujiyay in Alle laga baqo, dadka loo sheego diinta sida ay tahay, oo aan lagu marin habaabin dhalinyarada.

“Waxaa nagala rabaa walaalayaal inaan isu baraarujino taqwada iyo Alle ka cabsiga, in dadka sida saxda ah ee ay diinta qabto loogu sheego, dhalinyaradana aan lagu marin habaabin waxyaabaha aanay diinta qabin, culumaa’udiinka iyo cid kasta bulshada ka mid ah waa inay ka shaqeeyaan midnimada dadka iyo nabada”ayuu yiri Sheekh Cabdi.

Malaaq Amiin Barwaay oo ku hadlayay magaca Odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku baaqya in bulshada ay nabada u istaagto, lagana gudbo wixii horay loo soo maray, bulshadana ay gacmaha is qabsadaan, lana adkeeyaan nabada gobolka ka curatay.

Sidoo kale Malaaqa ayaa sheegay in muhiim tahay midnimada umada, isla markaana bulshada ay ka midowdo xaga fikirka si looga hortago kuwa nabada diidan.

Aamina Isaaq Xuseen oo ku hadleysay magaca Haweenka Gobolka Bay ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ay soo mareen haweenka Gobolada Bay iyo Bakool iyo caburintii lagu hayay mudadii ay joogeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ku baaqday in nabada loo istaago.

“In horay loo socdo, lana iloobo wixii horay u dhacay, sidaa ogtihiin haweenka gobolka dhibaatada ugu badan ayaga loo geystay, hadii caburin ahaan laheyn, waa in waalidiinta la socdaan caruurta dhaq dhaqaqooda, qoys walba markii uu nabada raadiyo anagana nabada ayaan gaari karnaa”ayay tiri Aamino Isaaq Xuseen

Marwo Aamino ayaa ku ammaantay hey’adda CCD barnaamijka ay soo qaban qaabisay oo ah kii u horeeyay qeybaha bulshada loo qabto, waxaana ay ugu baaqday in haweenka loo sameeyo siminaar gaar ah, iyadoo tibaaxday in soo dhoweynayaan in saddex sano kadib bulshada rayidka ay kulan isugu yimaadaan.

Abwaanka Gobolka Bay Isaaq Abgaalow ayaa ka jeediyay gabay ka turjumayay nabada iyo sida bulshada looga baahan yahay inay nabada ka shaqeeyaan iyo midnimada, waxaana uu ku booriyay odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo odayaasha inay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka.

Waxaa kaloo ka hadlay dood cilmiyeedka Abwaan Afyaal Maxamed Xasan Canjeex ayaa sheegay in loo baahan yahay in la baadigoobo dhalinyarada la marin habaabiyay ee dadka sida macno la’aanta u dilaya.

“Hey’adaha sama falka waxaa ka codsaneynaa inay gobolka yimaadaan sida CCD oo kale bulshada gobolka Bay waa soo dhoweyneynaa cid kasta oo nabada in la adkeeyo ka qeyb qaadaneysa”ayuu yiri Abwaanka.

Maxamed Aadan Jimcaale oo isna ku hadlayay magaca Ururada Bulshada rayidka ayaa sheegay in Hey’adda CCD ay xarun ka sameysto Magaalada Baydhabo, si bulshada gobolka gacan uga siiso nabadeynta iyo wacyi gelinta si colaada u dhamaado, dadkana ay wada hadlaan, isla markaana looga hortago kuwa nabada diidan.

Ugu dambeyn Sarkaal ka tirsan Hey’adda CCD C/llaahi Cabdi Xuseen ayaa uga mahadceliyay bulshada ku nool Baydhabo sida ay u soo dhoweeyeen, isagoo ugu hambalyeeyay saddex sano kadib in Magaalada ay xorowdo, gacanta bulshada gobolkana dib ugu soo laabato, waxaana uu u gudbiyay ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka salaan uu kaga siday Madaxda Hey’adda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.