Dadka reer Balcad oo gadaal ka ogaaday qofki ay soo dhaweeyeen galabta inuu ahaa Ra’isulwasaare Gaas !

Dadka reer Balcad ayaa sacab iyo damaashaad kusoo dhaweeyey maanta madax sare oo ka socotay dowlada KMG Soomaaliya oo galabta booqatay.

Dadka meysan ogeyn cida ay u sacbinayeen iyo waxa uu ahaa mas,uulka soo booqday balse waxay tuhmayeen inuu ahaa shaqsi weyn sida ay sheegeen wariyaal la socday Ra’isulwasaaraha oo booqday halkaasi.

“Anaga ma garaneyno qofka uu yahay laakin waa guul noo timid oo kuwi dhibka badnaa ayaa nalka qaaday, guuleyso madaxweyne Sharif,” sidaa waxaa yiri nin oday ah oo ka mid ahaa dadki usoo baxay in ay arkaan wafdiga dowlada.

Sida ay wariyaasha noo sheegeen, dadka ayaa marki uu soo baxay kadib ka war helay qofki ay soo dhaweeyeen inuu ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali.

Ra’isulwasaaraha oo hadal ka jeediyey gudaha Warshada Balcad ayaa sheegay in halkaan ay ugu danbeysay mudo 29 sana ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.