Dadka reer Baladweyne oo ka xumaaday nin inta la dilay meydkiisana wabiga lagu tuuray

Bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa ka xumaaday wiil dhalinyara ah oo todobaadki hore ay ciidamada maamulka Dooxada Shabelle ay jir dileen kadibna intey dileen ay meydkiisana ku tuureen wabiga Shabelle.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Muxumed Nuur (Mataan) ayaa ahaa macalin wax ka dhiga iskuulka agoonta Baladweyne, waxaana uu ka mid ahaa rag ay ku eedeeyeen maamulka Dooxada Shabelle in ay soo abaabuleen qaraxi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaasha Mataan ayaa waxaa gurigiisa kala soo baxay ciidamo kadibna jirdil ku sameeyey inti ay sii wadeen iyaga oo geeyey jiinka webiga oo ay ku toogteen, marki uu dhintayna meydkiisa raacsiiyey wabiga.

Sidaa waxaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Xanafi Cabdi Sheekh oo ilmo adeer la ah marxuumka la dilay.

“Maalinti qaraxa dhacay ee Itoobiyaanka la qarxiyey ayaa waxaa baaritaano sameeyey niman isku sheegayo mas,uuliyiin, waxay guri kasoo baxsadeen wiil ina adeerkeey ah C/raxmaan Muxumed Nuur (Mataan) wuxuu ahaa nin macalin ah oo magaalada oo dhan laga yaqaanay, wuxuu macalin ka ahaa dugsi agoonta, gacmaha ayaa laga soo xiray waa la garaacay dadkoo dhan ayaa fiirsanayey, waxaa kadib la geeyey meel magaalada geeskeeda ah oo wabiga agtiisa ah, waxaa xabado loogaga dhiftay madaxa caloosha iyo lugaha, isla markiina waxaa lagu tuuray wabiga, dadki qaraabada ah ayaa wabiga ka raadiyey kadibna waxaa laga soo saaray wabiga meydkiisa,” ayuu yiri Xanafi.

C/fataax Xasan Afrax oo ay hoos tagaan ciidamada falkaasi wuxushnimada ah sameeyey ayaa difaacay dilka marxuumka, isaga oo ku tilmaamay in uu ka tirsanaa Al Shabab, isla markaana ay dili doonaan qof kasto oo ka tirsan Al Shabab.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Baladweyne ayaa ka codsadya dowlada KMG Soomaliya in aysan ku fududaan dilka dadka ay ka shakiyaan, balse ay soo saaraan maxkamad si dadka ay u helaan cadaalad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. asc walalayal waxaa aniga ila haboon in aad iska dhicisan galada iyo kuwa la socdo ee daba qoodhiga u ah mada waxa eey ku dhaqmayan ey tahay wax dinta islamaka ka baxsan oo xitaa hadi qofka la dilay uu yahay shabab mala iska dila maa la dhaqan celiyo ama max kamad la soo tago mida kale wad ogtahin manta xaladaha lagu sugan yahay warkaca oo iska dulqada galada hadi kale gabar
    dhaxaa oo rer baladweyn oo wecel wado wad arki doontan ama masaajid dhaxa oo galadu ey ku badalen kanisad wad arkin galadu ma jecla islamka saxda ah inkasto kuwan alshababka sheganayona la nacayo waxana ku ogaday in ey dad xunyahin ama boqortooyo ya yahin halnin ayaa iska heysto mar walbo oo qof xilka ka qadi karto malahan ilahow shartoda dhinac naga mari wabilahi towfiiq

  2. Inna Lilaahi wa Ilayhi Raajicuun codsi maxay tahay haddii aad xubtiin inuusan Ashabab oo si gardaro ah loo dilay islamarkaana dilkiisa ahayn mid qarsoon, maad ladagaa lantaan oo naftiina iyo sharaftiina diifaacdaan aad ku shahiidan. Codsi yaa u direysdaan iyada gacan maran fikrad ama adeegayaal u yihiin gaalo diidan kor u qaadida iyo maamulidda shacabka islaamka shareeca, Ilaah ka baqa ka saara cadowga iyo kalkaakooda

Comments are closed.