Dadka reer Afghanistan oo u dareeray goobaha codbixinta

Dadka reer Afghanistan oo u dareeray goobaha codbixinta
Dadka reer Afghanistan oo u dareeray goobaha codbixinta

Dadka reer Afghanistan ayaa maanta oo Sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

Goobaha codbixinta ayaa goorhore oo saakay la furay waxaana la arkayay dad badan oo u ku qulqulaya si ay codkooda uga dhiibtaan.

Ammaanka goobaha codbixinta ay ka dhacayso ayaa aad loo adkeeyay waxaana meelaha qaar la geeyay ciidamo dheer ah.

Doorashadan waa tii ugu horeysay oo qaab dimuquraadi ah ku dhacday taarikhda dalka Afghanistan.

Dad weyne xiran dharka ay dhaqan ahaan u lee yihiin dadka reer Afghanistan iyo kuwa sidda reer galbeedka u labisan ayaa lagu arkayay goobaha codbixinta.

Maleeshiyaadka Taalibaan ayaa goor hore u hanjabay dadka ka qaybagalay balse ciidamo xooggan ayaa la dhigay goobaha codbixinta ay ka socdaan.

Saraakiisha doorashooyinka ayaa rajo weyn ka qaba in ku dhawaad 12-Milyan oo qof in ay ka qaybgalaan doorashada maanta oo Sabti ah ka dhaceysa dalka Afghanistan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here