Dadka ku ganacsada wadooyinka Suuqa Bakaaraha oo laga rarayo

Gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa mudo 30 saacadood ah u qabtay in ay uga guuraan ganacsatada yar yar ee alaabadaha ku iibisa wadooyinka iyo meelaha aanan munaasabka aheyn ee suuqa.

Hadal uu soo saaray Axmed Nuure Awdiinle oo ah gudoomiyaha Bakaaraha ayuu ku sheegay in uu sida uu yahay u dhaqan gali doono ogeysiiskan oo uu ku sheegay mid kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuu tilmaamay in marki hore lagu wargeliyey ganacsatada sadexdi bishi March ee sanadkaan balse aysan dhag jalaq u siin, laakin markaan ayuu ka digayaa in mas,uuliyadi ka dhalata ay qaadan doonaan dadka uu ogeysiiska ku socdo.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jira ganacsato alaabaha yar yar ku iibsata wadooyinka iyo qaar ka dhistay sandaqado meelo aanan sharci aheyn kuwaasi oo dhowr jeer uu maamulka suuqa u digay.

Maamulka Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay gaadiidleyda buteejooyinka ka sameystay gudaha suuqa in ay ka guuraan oo ay baabuurta u raraan banaanka suuqa, halka ganacsatada qaadka iibisa iyana lagu wargeliyey in ay raraan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.