Dadka cuuryaamiinta ah oo laga mamnuucayo in ay gaadiidka ku kaxeeyaan Muqdisho

Taliayaha ciidanka Taraafkada magaalada Muqdisho Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in aysan aqabli doonin hada kadib darawlada cuuryaamiinta ah ee gaadiidka dadweynaha ku kaxeeya magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay maxkamad la kori doonaan ciqaab adagna dul dhigi doonaan, dadka la go,an, lugaya iyo gacmaha ama jiis ka ah, iyo kuwa dhagoolayaasha ama isha la ee kaxeeya gaadiidka dadweynaha ama gaadiid ay iyagu wataan taasi oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Waxaan ka rabnaa nin kasta oo baabuur wadaa inuu aqoon u leeyahay kaxeynta oo uu sharci ama ruqsadna heysto, waxaan rabnaa in ay lixdiisa lixaad taam u tahay, wa inaysan lug ka go,neyn, gacan ka goyn, wa in uu indhihiisu taam yihiin, waa in uusan dhagoole aheyn,”

Cali Gaab ayaa ugu hanjabay dadkaasi in ay sharciga la tiigsan doonaan, hadii arrimahaasi iyo amarada ay soo rogeen loo hogaansami waayo.

“Hadii aysan arimahaasi dhicin, ilaa maxkamad ayaa lala socon doonaa xabsi ayuuna ku muteysan doonaa ama ciqaab xaga dhaqaalaha ah, gobolada waxaa nooga qorsheysan in aan wada gaarno oo aan ka bilowno xeerarka Taraafikada,” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku badan dadka cuurmyaamiinta ah ee kaxeeya gaadiidka, waliba waxaa jira qaar ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano.

Ciidanka Taraafikada ayaa si weyn uga howlgala magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo marki ay si buuxda u howlageen ay soo rogeen amaro badan oo ku saabsan amaanka wadooyinka kuwaasi oo dhaqan galay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.