Dad xoola dhaqato ah iyo Al Shabaab oo galabta ku dagaalamay gobolka Gedo

5 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana dhaawac ayaa soo gaaray kadib marki uu dagaal ku dhexmaray gobolka Gedo maleeshiyo xoola dhaqata ah iyo Al Shabaab.

Dagaalada oo ka dhacay sadex tuulo oo hoos yimaada degmada Baardheere oo ay ka mid yihiin Taar iyo Dheenle ayaa ka danbeeyey marki maleeshiyo u badnaa geelleey ay jidgooyo u sameeyeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo geel ay dadka kasoo aruuriyeen qunsanayey.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Adan Axmed Xirsi ayaa sheegay in ay haleen xog sheegeysa in dagaalka ay ku dhinteen shan ruux oo laba ka mid ahi ahaayeen xoola dhaqatada  halka sadexda kalana uu ku sheegay Al Shabaab.

“Dadka deegaanka Dheenle oo ka xanaaqay xoolo ay Shabaabka kasoo dhaceen ayaa jid gooyo u sameeyey canaasir ka tirsan nabad diidka, dadkan oo ahaa dad is abaabulay, waxay ka reebteen ku dhawaad 150 geel ah oo ay kusoo qaateen si xoog ah iyadoo Shabaabna ay ku sheegeen Zako, waxa kale oo laga furtay baabuur uu saarnaa qori dhashiike ah,” ayuu yiri.

Ilo wareedyo ka madax banaan saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegaya in wali ay xiisad colaadeed ka taagantahay deegaanada lagu dagaalamay, iyadoo dadkuna bilaabeen in ay ka barakacaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaalka, waxaase jirta in maalmahan ay ka aruurinayeen xoolaleyda, ganacsatada iyo beeraleyda ku nool deegaanada ay maamulaan lacago ay ku sheegene Zako.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.