Dad xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Ilaa iyo shan ruux oo laba ka mid ahi ahaayeen Shabab ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka H/wadaag iyo Hodan ee magaalada Muqdisho.

Kooxo Hubeysan ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen guri ku yaal Isgoyska Baar ubax, halkaasoo labo ruux lagu dilay halka saddex kale lagu dhaawacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida oo durbadiida ka war helay shaqaaqada ayaa ku baxay, iyadoo dilay labo ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee weerarka qaaday.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ka tirsnaaayeen Shabaab, isla markaana ay weerareen nin horay uga tirsanaa Shabaab oo degenaa Baar ubax.

Labada ruux ee la dilay ayaa meydkooda saaka lagu arkay agagaarka suuqa bakaaraha, iyadoo saraakiisha sheegeen in ka hor inta aan la dilin ay diideen inay is dhiibaan.

Dilalkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa dilalkii ugu badnaa ee habeenadan dhaca, waxaana ku soo aadayaa iyadoo ciidamada dowladda ay habeenkii howl galo ka wadaan xaafadaha Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.