Dad xalay lagu xir xiray Baydhabo

Howlgalo ay ciidamada Dowlada Soomaaliya xalay ka sameeyeen magaalada Baydhabo ayey kusoo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee magaalada, howlgalada oolaga sameeyey xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad gaaraya 24 ruux kuwaasi oo loogaga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al Shabab.

Arrintaan ayaa ka danbeeysay kadib marki shalay lagu toogtay magaalada Baydhabo sarkaalDowlada hoose u qaabilsanaa qaadista canshuuraha, kaasi oo ay dileen rag ku hubeesnaa bistoolado.

Amaanka Baydhabo ayaa maalimihi ugu danbeeyey hagaagsanaa, inkastoo todobaadkan uu jiray qarax ka dhacay halkaasi.

Baydhabo ayaa waxaa maamula Dowlada Soomaaliya, waxaana amaanka ka kaalmeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here