Dad u badnaa aqoonyahano oo lagu xir xiray Baydhabo

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa shalay xir xiray ku dhawaad 40 ruux oo u badnaa aqoonyahanada ugu caansan gobolada Bay iyo Bakool.

Dadkaan oo xalay xabsiga ku hoyday ayaa waxaa laga qab qabtay shalay agagaarka xaafada Afar Irdoodka ee magaalada wax yar kadib marki ay ciidamada Itoobiya xaafada ka bixiyeen miino aanan qarxin oo dhulka lagu aasay.

Aqoonyahanada la xiray ee ay sida xun ula dhaqmeen ciidamada dowlada waxaa ka mid ah gudoomiyaha jaamacada magaalada Baydhabo Prof. Maxamed Cali Kalaay iyo dad kale oo sumcad ku lahaa magaalada.

Goobjoogyalaa ayaa sheegay in Mr Kalaay ay jir dileen ciidamada ilaa uu madaxiisa dhiig kasoo daato.

Taliyaha saldhiga ciidanka magaalada Baydhabo Aadan Biit oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay qasab tahay in lasoo qabto qof walba oo u dhaw meelaha lagu duugo miinooyinka si su,aalooyin loogaga weydiyo.

Waxa uu ka hadlay xaalada amaanka ee magaalada isaga oo sheegay in ay qabteen tan iyo marki ay yimaadeen ilaa iyo afar miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda.

Ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Baydhabo mudo iminka laga joogo 10 maalmood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.