Dad siyaabo kala duwan galabta loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

Laba ruux ayaa galabta siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo noqday dadki ugu horeeyey ee gudaha suuqa ku dhinto tan iyo marki laga saaray Xarakada Al Shabaab bartamihi sanadki hore.

Nin ku hubeesnaa bistoolad ayaa suuqa sarrifka Bakaaraha ku toogtay nin sarrifle ahaa oo si weyn loogaga yaqaanay suuqa wax yar kadib marki uu lacago doolar ah uga badashay shilin Somaali.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah, ninka gacan ku dhiiglaha ahaa ahaa marki uu goobka ka baxsaday waxaa isna wadada labaad ee Bakaaraha ee ay dadka qaar u yaqaan Jidka Aadan Cade ku toogtay ciidamada Nabad Sugida dowlada.

Goor hore oo fiidnimadi caawa aheyd ayaa meydka ninkaasi lagu soo bandhigay xarunta ciidanka nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida oo lagu magacaabo Col: Burhaan Maxamed Cali (Kaariye) oo caawa la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ninka gacan ku dhiiglaha ahaa oo lagu magacaabi jiray C/laahi Dheere uu ka tirsanaa ururka Al Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaano Amniyaadka ee qaabilsan dilalka qorsheysan.

Waxa uu sheegay inuu dil bareer ah ugu geystay Suuqa Bakaaraha ganacsade ka tirsanaa sariflayaasha Suuqa Bakaaraha oo la oran jiray Liibaan Cabdi Cali kaasi oo dilkiisana ay aad uga naxeen dadka ay jaalka ku ahaayeen suuqa.

Dilalkaan oo si kadis ah ku dhacay galabta ayaa waxaa ay dad badan soo xasuusiyeen dilalki ka dhici jiray Suuqa Bakaaraha xilligi ay gacanta ku heyn jireen kooxaha Islaamiyiinta ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.