Dad Shacab oo Dil Loogu Geystay Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir

Waxaa maanta duhurnimadii degmada Xamar wenye lagu laayay dad shacab ahaay oo ka adeeganayay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne iyagoo isku diyaarinayay maalinta ciida fidriga.

Dhimashada ayaa waxey aheed 2 ruux halka 3 kale neh ey ku dhaawacmeen tacshiiradaas, sida la sheegay rasaasta ayaa waxaa riday nin ku labisan dharka ciidanka dowlada KMG kaas oo sida la sheegay ka iibsanayay mobile kadib na ey isku xanaqeyn kuwa uu ka iibsanayay mobile-ka sida ey inoo sheegeen dad goob joogeyaal ahaay marka uu falkan dhacayay.

Mar aan xiriir la sameeeyay dad ku sugnaay marka uu falkan dhacayay ayaa inoo xaqiijiyay dadka geeriyooday ey ku jirtay haweeneey ganacsato weyn ka aheyd suuqa xamar weyne..

“Anaga waxaan ku guda jirnay shaqadeenii maadama uu suuqa cariiri yahay ciida xiligii ciida oo lagu jira awgeed askariga dadka xabadeeyay ayaa waxaa uu iibsanayay mobile waxuu ka iibsanayay qolada la yiraahdo Cabdal shideeye kuwaas oo ka iibinyay mobile celis ahaay kadibna uu ku xanaaqay uu xabad hoosta ugu dhigay”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here