Dad rayid ah oo xalay lagu dilay degmada Dharkeenleey

Hal ruux ayaa dhintay laba kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki kooxo hubeysan ay xalay rasaas ku fureen dad rayid ah xaafada Abagado ee degmada Dharkeenleey.

Falkaan oo wali aanan la ogeyn cida ka danbeysay ayaa dhacay xalay fiidki waxaana rasaas lagu furay dad kasoo baxayey masaajidka Abagadaha kuwaasi oo isugu jiray dhalin yaro iyo dad waawen.

Qofka dhintay oo ahaa wiil dhalinyara ah ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaasta la furay, dadka kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wali lama oga sababaha ka danbeeyey weerarkaasi, laakin goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha rasaasta furay ay ahaayeen maleeshiyo hubeysan oo taageersan maamulka degmada Dharkeenleey.

Degmada Dharkeenleey ayaa ka mid ah deegaanada ugu dilka badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa ka arrimiya maamul hoos taga dowlada KMG Soomaaliya balse waxaa wali ku sugan maleeshiyo beeleed hubeysan oo uu maamulkana ka war qabo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.