Dad maalinti labaad ku dhintay ololaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho

Hal ruux ayaa ku dhintay banaanka xarunta Gudiga Farsamada Xuliska Baarlamaanka kadib marki ay is rasaaseeyeen ciidamo kala taageersanaa labada murashax.

Sida ay wararku sheegayaan shaqaaqada ayaa dhex martay laba ciidan oo kala taageersanaa madaxda Dowlada inkastoo aanan la carabaabin cida ay yihiin, waxaana goobta laga maqlay rasaas in cabaar ah socotay.

Qofka dhintay ayaa ahaa askari ka tirsan mid ka mid ah dhinacyadi dagaalamay inkaskta oo xaaladu ay si caadi ah kusoo laabtay kadib marki la kala dhax galay.

Waa maalinti labaad oo ay rabshado la xiriira doorashooyinka madaxweynaha ay ka dhacaan Muqdisho, shalay ayaa shaqaaqo dhexmaray taageerayaasha madaxweynaha iyo ra’isulwasaarihi hore Maxamed Farmaajo ay ku dhinteen laba ruux.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda olole xoog leh oo dhanka doorashada madaxweynaha iyo kan xildhibaanada, iyadoo ay magaalada imaanayaan murashaxiin badan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here