Dad lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo

Al Shabaabka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay dileen laba nin oo ay ku tilmaameen burcad, hase yeeshee si weyn loogaga yaqaanay magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha magaalada Kismaayo ee Al Shabaab, Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in ay dileen laba nin oo uu ku jiray Macalin Taraar oo uu sheegay inuu ahaa burcad weyn oo dadka ku dhibi jiray inta u dhaxeysa Kismaayo iyo dalka Kenya.

Sida ay wararku sheegayaan dilka oo ka dhacay tuulada Ceel-cad ee duleedka Kismaayo ayaa ka danbeysay marki ay al Shabaab ka war heleen joogitaanka ragaan oo sida la sheegayo hubeesnaa.

Xasan Yacquub waxa uu tilmaamay inuu dhexmaray iska hor imaad iyaga iyo raga la dilay, isaga oo intaasi raaciyey in ay ka furteen hub ay wateen oo sida uu sheegay laga soo siiyey xerada Siyeeloow ee dalka Kenya.

Ma jirto ilo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya in raga la dilay ay ahaayeen burcad iyo in kale.

Al Shabaab ayaa xooga saarayo magaalada Kismaayo kadib marki ay kusoo dhawaadeen ciidamada Kenya oo haatan u jiro qiyaasti 100-km.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.