Dad ku dhintay xeebaha Gabon kaddib markii dooni ay la socdeen ay degtay

Doonida ayaa la sheegay in ay ka tagtay dalka Nigeria, waxaana ku socotay dalka Gabon, laakin dabeelo ku kacay ayaa sababay in ay degto.

Waxaa la socday 160-qof , laakin saraakiishan gurmadka illa hadda tira sax ah mahayaan.

Warar aan weli kacadeen ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka la socday doonida ay ahaayeen kuwa si sharci darro ah u socda, waana ay rabeen in ay soo arkaan shaqada taalla dalka ganiga ku ah saliida ee Gabon.

Safarada noocan oo kale , waa kuwa aan cusbeen, oo waa kuwa soo laabtay afar maalin ka hor ayaa dhowr qof meydkooda laga helay xeebaha dalka Gaboon.

Labo ka mid dadka soo badbaaday ayaa laga helay meel xeebta u dhow kaddib markii ay soo dabaasheen.

Waxa ka mid ah Kieve Sani, oo 27-jir ah, waxaa uu ka yimid dalka Togo wuxuu u sheegay wakaalada wararka dalka Faransiiska in isaga iyo afar kale oo ay isku wadan ka yimaadeen si halhaleel ah u soo gaareen xeebta, waxaa ku jirra ayuu yiri kabtankii doonta.

Kooxaha gurmadka ayaa billaabay baadi goob ay ku raadinayaan dadkii doonta la socday oo qaar badan ay maqan yihiin.

Doonta ay la socdeen dadkan ayaa iyadoo soo caarisay waxaa laga helay xeebaha dalka Benin Jimcihii.

Sarkaal maxali ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in la helay meydadka 45-qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here