Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Canada

Canada Shooting
Canada Shooting

Booliska dalka Canada waxa ay sheegayaan in afar qof lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Saskatchewan ee bartamaha dalkaasi.

Warar hordhac ah waxa ay sheegayeen in qof shanaad uu ku dhintay weerarka.

Nin laga shakisan yahay ayaa laga qabtay bannaanka iskuulka La Loche, halkaasi oo ah meesha toogashada ay ka dhacday.

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay baarayaan dhacdo kale oo ka dhacday deegaan ay qiyaastii ku nool yihiin seddax kun oo qof.

Weerarka iskuulka laba qof oo kale ayaa sidaran ugu dhaawacantay.

Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa waxa uu geerida ku sheegay inay tahay dhibaato waalidiinta murugo ku reebtay.

Toogashada noocaan ah aad bay Canada ugu yartahay, halkaasi oo shuruucda hubka ay aad uga adag yihiin marka la barbardhigo Mareykanka.

Xigasho: BBC

1 COMMENT

  1. Midnimo, aad ayaad uGu mahadsan tihiin dadaalka aad ku bixineysaa, inaad shacabka soomaliyeed ee ku dhiban dunidda dacaleedda soo bandhigtaan Xaaladda Nololeed oo ay ku sugan yihiin.

    Waxaan fiirisaan, Barta facebook ee fiirso24, waxa jira wiil soomali ah oo ay si fool xun loogu dal daley dalka south AFrika. Qaabka loo dilay wiilkaasi soomaliga ah ee sida foosha xun loogu diley Tooreyda, jirkiisana si xanuun badan u jeex jeexday..

    Safaaradda Soomalida ee South afrika & Dowladda Soomaliya, maxay kala socdaan dhibaatooyinka & Xaaladaha adag oo ay ku sugan yihin Soomalida South Afrika…! wiilkaasi bal ha la ogaado, cida dishey & sababta loo diley…

    Soomalida miyesan ogeyn in MArk Zuckerberg, oo ah Nin CIA-da u aruursho Xogaha ay facebook ka qabato Shacabka, Marka ZuckerBerg waxa uu shaqeyaa waa CIa-da, Si aan la ogeyn ( Proxay-war ). ku waxyeeleyso Soomali badan oo Caalamka ku sugan..! xneophia ka weyn, waxa soomalida ay kala kulmaan dalka South Afrika.

    Dhibaatooyinka & naceybka soomalida ka dhan ah ee South Afrika, waxaa ka dambeeyo Waa CIA-da Mareykanka oo ay hageyso xogaha ay ka helaan Barta lagu kulmo ee FACEbOOk-ga. soomalida bal u fiya arintaani..!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here