Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Baladweyne

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay sadex kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki gaari ay la socdeen uu ku rogmaday duleedka magaalada Baladweyne.

Baabuurkan oo ahaa Hoomey kasoo amba baxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ayaa waday dad rakaab ah waxaana shilkiisa loo aaneynayaa darawalka oo xakumi waayey gaarida oo si xowli ah ku socday.

Dadka dhaawaca ah oo helay gurmad ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baladweyne halkaas oo haatan lagu daweynayo sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada.

Inta badan shilalka ka dhaca Soomaaliya ayaa waxaa sababa darawalada oo aanan si wanaagsan u aqoon kaxeynta gaadiidka, burburka wadooyinka iyo dadka oo si aad ah isaga buuxiya baabuurt.a

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.