Dad ku dhintay goob dhagax laga qodayey duleedka Kaaraan

God laga qodo dhagxaanta kaawada ee guryaha lagu dhiso ayaa ku dumay shaqaalo ku howlanaa meel duleedka ka ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray, halka laba kalana ay ka badbaaday sida ay xaqiijiyeen dad u gurmaday iyo qaar kale oo ka samatabaxay.

Eng. Jeylaani Tooxow Nuur ayaa sheegay in ay helaan mid ka mid ah dadki uu ku dumay godka kaawada kaasi oo ay kasoo faageen bur burka hoostiisa, isaga oo intaasiu ku daray in ay ogaadeen in dad kale oo ay ku dhaaacmeen balse dhaawacoodu fududaa.

“Ilaa iyo hada waxaan heynaa hal nin oo meyd ah oo aan xalay shanti saac iyo bar aan helnay, laba nin oo kale ayaa ka badbaaday,” ayuu yiri.

Godadka kaawooyinka laga qodo ee Muqdisho ayaa waxa inta badan ka dhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.