Dad Indhaha Loogu Fiiqey Isbitaalka Jaamacada Jowhar+Sawiro

Hay’ada kheyriga ah ee Manhal ayaa ka fulisey howlo indhofiiqid ah isbitaalka Jaamacada Jowhar ee ku yaal magaalada Jowhar.
Howlahan indhofiiqida ah ayaa waxa ay isugu jireen caad ka qaadid,indho biyo ka xirid iyo indho toosinba.
Waxaana indhofiiqidan qeyb weyn ka qaatay qaar ka mid ah ardyada wax ka barata Jaamacada Jowhar qeybta Nurse.
Dadka indhaha loo fiiqey ayaa waxa ay isugu jireen dad waaweyn iyo carruurba iyadoo dadkaana ay ka kala yimaadeen deegaano kamid ah gobolka Sh.dhexe iyo gobolada la deriska ahba.
Dadka indhaha loo fiiqey ayaa waxaa tiradooda gaareysay illaa iyo 191 ruux ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in indhaha loogu fiiqey isbitaalka Jaamacada Jowhar oo ah isbitaal dhowaan laga hirgeliyey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh.dhexe.


Dr Maxamed Maxamuud Shiino oo ah dhaqtarka fuliyey howlahan indho fiiqida ah ayaa dhowaan howlo indho fiiqid ah ka fuliyey deegaanka Ceelasha biyaha iyo degmooyin kale ooka tirsan dalka Soomaaliya. Waxana uu dhakhtarku sheegay in ay dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin illaa iyo boqol iyo konton kuno oruux oo indhaha la’ sanad walbana ay indhaha la’aan ku dhacdo illaa iyo toban iyo labo kun oo ruux.