Dad careysan oo dab qabadsiiyey qunsuliyada Mareykanka ee Libya

Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijiysay in dad careysan ay weerareen qunsuliyadi ay ku lahaayeen magaalada Benghazi ee dalka Libya isla markaana ay dileen qof Mareykanka ah mid kalana la dhaawacay.

Dadkaan ayaa ka careysnaa Filim Mareykan ah oo lagu aflagaadeeyey Nabi Muaxamed (NNKH).

Dhismaha Qunsuliuada ayaa dab la qabad siiyey kadib marki ay rag hubeysan ay weerareen xurnta iyaga oo ku ganay garneeylo iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Banaanbax kale ayaa lagu qabtay banaanka safaarada Mareykanka ee magaalada Qaahiro dalka Masar, waxaana ay dadku cad cad u jeex jeexeen calanka Mareykanka.

Waxaa laga yaabaa in dibad baxyadan ay sii socdaan kuna faafaan meelo badan oo caalamka ah sababtoo ah dadka Islaamka aad ayey uga caroodaan in la aflagaadeeyo Nabi Muaxmaed (SCW) ama in la caayo Qur,aanka Kariimka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here