Dad Badan oo ku Waxyeeloobay Madaafiicda PM-ka oo Xalay Amisom ku Garaacday Deegaano Dad Rayid ah Deggan Yihiin (Warbixin)

Midnimo.com ayaa saaka waxa uu daba gal ku sameeyey duqeyn xoogan oo ciidamada Amisom xalay ku garaaceen deegaano dad rayid ah kusugan yihiin gobolka Sh/hoose.

Kadib weerar madaafiic hoobiyeyaal loo adeegsaday  oo ururka al shabaab xalay ku qaadeen fariisimo ciidamada dawlada iyo kuwa amisom ku leeyihiin degmada Afgooye ayaa waxa taasi xigay madaafiic jawaab celin ah oo amisom ridayeen.

Maqalka Madaafiicda PM-ka oo soomalida utaqaano Fooriyaayaha ayaa waxa Ciidamada amisom ee kusugan deegaanka Buundo Carbis iyagoo ku garaacayey deegaanada rayidka ay ka deggan yihiin duleedka degmada Afgooye.

Waxaa lagu soo waramayaa in madaafiicdaasi ay khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah oo beeraley ubadan kuwaasi tiro PM ah ugu tageen guryahooda kuwaasi oo ahaa jawaab celin ay amisom sameyeen.

Ilaa hadda lama sheegi karo inta uu la eg yahay khasaaraha dhimasho mid dhaawac ee rayidka kasoo gaaray madaafiicda xalay ciidamada Amisom ku garaaceen deegaano duleedka ka ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Al shabaab ayaa idaacada afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa waxay tibaaxeen in askar badan lagu dilay weerar barakeysan oo madaafiic loo adeegsaday siday sheegeen oo lagu garaacay fariisimo amisom kulahaayeen degmada Afgooye.

Dadka ku dhaqan Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada ku dhaw ayaa waxay saaka ku waramayaan in xaaladu saaka deggan tahay marka laga reebo madaafiic xalay hurdada qal qal ka gelisay iyadoona xaaladu ay saaka deggan tahay dadkuna ay beerahooda ufalasho tageen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here