Dad badan oo ku dhintay shil baabuur oo dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho

11 ruux ayaa ku geeriyootay shil baabuur oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Cade ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse aad ugu dhaw waqooyiga magaalada Muqdsho.

Dadka dhintay ayaa dhamaantood ahaa dad safar ah kuwaasi oo saakay ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka Calool-weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe sida uu sheegay mid ka mid ah rakaabka oo ka badbaaday shilka.
Dadka intiisa badan ayaa u dhintay dhaawacyo culus oo soo gaaray iyo iyaga oo aanan helin guramad dag dag ah.

Dhanka kale gaari ay la socdeen dad gurmad ah oo soo qaaday dhaawacyadi uu shilka la galay baabuurka ayaa la sheegay in ay rasaas ooda uga qaadeen ciidmaada Amisom xilli ay marayeen meel u dhaw isbitaalka Keeysaneey.

Wariyaal booqday isbitaalka ayaa sheegay in Amisom ay dileen laba ruux sidoo kalana ay dhaawaceen afar kale kuwaasi oo ahaa dadki u gurmaday dhaawacyada, arintaasi waxay ka danbeysay marki ay ka shakiyeen baabuurka oo si xowli ah u socday si uu uga gaarsiiyo isbitaalka dhaawacyada gaariga rogmaday.

Shilkaan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee sanadkaan ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.