Dad badan oo ku dhintay qarax haleelay Gaari BL ah oo kusii jeeday Afgooye

Qarax ka dhacay Muqdisho
Qarax ka dhacay Muqdisho

Dad fara-badan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku dhinteen qarax miino oo saakay deegaanka Lafoole ku haleelay gaari BL ahaa, oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa Degmada Afgooye. Lafoole waxay ku taallaa wadada xiririsa Muqdisho iyo Afgooye.

Gaarigan oo caasi ahaa, ayaa waxaa si buuxdo u haleelay qaraxan, oo ahaa mid lagu sii diyaariyay wadada hareeraheeda, iyadoo la soo sheegayo in 15 qof ku dhimatay, halka shan kalana ay ku dhaawacantay.

Dadka dhaawacmay oo garaab ah, ayaa la sheegay in ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxaasi. Qaraxan waxaa uu gaarigu haleelay abaarihii 6:50 subaxnimo ee saakay.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga uu gebi ahaanba ku burburay qaraxaasi, suurtagalna ay tahay in khasaaraha dhimashada ay ka badan karto tirada iminka la’ogyahay.

Dadka ku waxyeeloobay qaraxan oo rayid ahaa, ayaa waxaa ku jira ganacsato qudaarta u iib keeni jirtay suuqyada Magaalada Muqdisho qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here