Dad badan ku garaqmay dooni ku qalibantay Hong Knog

Ugu yaraan 36 ruux ayaa ku dhimatay ka gadaal marki ay is hardiyeen laba doon oo ah kuwa rakaabka qaada xeebta magaalada Hong Kong.

Mid ka mid ah doonyaha waxa saarnaa 120 ruux waxaana doonida marka ay bilowday in ay quusto ay cirka u dirtay buleeryo maadaama ay habeen aheyd kuna quustay meel u dhaw jasiirada Lamma.

Isla goobta waxaa ku dhintay 28 ruux, halka 100-kalana loo qaaday isbitaalka kuwaasi oo sideed ka mid ah ay ku dhinteen isbitaalka.

Wali waxaa soconayo shaqaalaha gurmadka, iyadoo ay ka qeybgalayaan diyaarado iyo doonyaha dheereeya si loo badbaadiyo dadka ama loo helo meydad.

Bayaan kasoo baxay Dowlada Hong Kong ayaa lagu sheegay in isbitaalka la geeyey dad ka badan 100, sagaal kadmid ah xaaladoodu wey liidataa.

Lamma ayaa dhacda waqooyi bari ee Hong Kong  3km , waa jasiirad ku caan ah dalxiiska, guud ahaan Hong Kong waa mid ka mid ah meelaha ugu mashquulsan ee ay maraan maraakiibta iyo doonyaha laakin kuma badna shilalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here