Dad ay biriq ku dishay Mudug

Dad ay biriq ku dishay Mudug
War Dad ay biriq ku dishay Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gawaan oo 30 km koonfur ka xiga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas labo qof in ay ku dhimatay saddex kalena ay dhaawacmeen kaddib markii saqdii dhexe ee xalay ay ku dhacday biriq, halkaas oo uu ka curtay roobka xilliga Gu’ga.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee maamulka Galmudug Xuseen Salaad Weheliye oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in saddexda qof ee dhaawacantay la dhigay isbitaal ku yaalla degmada Hobyo.

Dadka ay biriqda ku dhacday ayaa ahaa reero deris ah oo xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay biriqda sidoo kale dishay xoolo badan oo ay dadka deegaanka dhaqanayeen.

Deegaanka Gawaan, waxa uu ka mid ahaa deegaannadii ay saameysay abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta gobollada dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here