Dabley hubeysan oo ciidamo Kenyan ah ku dishey xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya ayna ku dileen saddex kamid ah ciidamada dalka Kenya, sidoo kale weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah ciidamada Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadan xilli habeenimo ah la soo weeraray: “Weerarkan ayaa ka dhacay xero ciidan oo ku taal Gerille oo ka tirsan Wajeer habeenimadii arbacada, waxaana weerarkaas aan ku weynay saddex askari halka ay naga dhaawacmeen labo kale,”ayaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya u sheegay wakaalada Wararka ee AFP,

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in labo kamid ah ciidamada dalka Kenya la la’ yahay illaa iyo imminka.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u jirta illaa boqol kiilomitir xadka kala qeybiya dalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo deegaankaana ay qaraxyo is xigxiga ka dhaceen saddexdii bilood ee la soo dhaafay ee ay ciidamo Kenyan ah gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ciidamada ururka Alshabaab.

Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey dhicitaanka weerarkan hase yeeshee waxa uu sheegay inuusan weli helin warbixin buuxda oo ka hadlaysa weerarkan.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay weerarkan hase yeeshee saraakiisha Kenya ayaa hore dhowr jeer ugu  eedeeyey ciidamada Alshabaab inay ka dambeeyeen weerarada ka dhaca dalka Kenya.