Dableey Xoolo & Dad ku dishay deegaanka Leego

kooxo-hubeysanDhacdadaan, ayaa waxay maanta ka dhacday Deegaanka Leego oo dhaca duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, markii ay soo weerareen rag hubeysan, oo loo fishay in ay xoolaley yihiin.

Tuulada Madax Maroodi oo ka tirsan Deegaanka Leego, ayaa waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaa oo halkaasi ku dilay laba kamid ah dadka ku dhaqan iyo seddex neef oo Geel ah. Raggaan oo aanu fal dhac ah goobtaasi ka geysan, ayaa waxay isaga taggeen halkaasi, kadib dilka labada nin iyo seddexda neef ee Geela.

Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Abuukar C/laahi Isaaq “Al Cadaala”, oo wareysi siiyay Warbaahinta Muqdisho, ayaa wuxuu xaqiijiyay dhacdada ka dhacday Deegaankaasi.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu carab dhabay in dhacdooyinka noocaanoo kala ah, ay ku cusub yihiin Deegaanka Leego, isla-markaana waxay sawir ka bixinayaan buu yiri khatarta amniga Leego.

Mar la weydiiyay cidda weerarkaan geysatay, ayaa waxa uu xusay in ay geysteen oo qura niman xoolaley ah, kuwaa oo uu ujeedkoodu ku sheegay in ay waxyeeleeyaan labada nin iyo xoolaha, sida uu yiri.
wararka Goobjoog

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here