Dableey weerar ku qaaday jaamac ku taala magaalada Kano dalka Nigeria

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay kadib marki dableey hubeysan ay bam iyo rasaasba ku weerareen jaamacad ku taala magaalada Kano ee waqooyiga dalka Nigeria.

Ciidamada qaraxyada maareeya iyo milatariga ayaa baadigoobaya kooxihi weerarka ku qaaday jaamacada Bayero University sida ay xaqiijinayaan saraakiisha xaga amaanka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsanayey arday Karistaan ah oo mid ka mid ah hoolalka jaamacada ku qabsanayey munaasabad diineed, waxaana la arkayey dad badan oo dhaawac ah oo loo qaadaya isbitaalka.

Ikedichi ayaa wakaalada wararka ee Associated Press u sheegay inuusan xaqiijin karin tirada saxda ah ee ku dhaawacntay balse uu arkay dad loo qaadayo isbitaal maxalli ah oo ku yaala magaalada weerarku ka dhacay.

Wuxuu kale oo uu milatariga iyo booliskaba ay ku hareererysanyihiin jaamacada iminkana baadi goobayaan dableyda weerarka soo qaaday.

Ma jirto cid sheegatay wali mas,uuliyada weerarkaasi, laakin waxaa looga shakisanyahay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.