Dabki Suuqa Xamar Weyne oo goor dhaweyd la damiyey

 Waxaa goor dhaweyd lagu guuleystay in la damiyo dabki ka socday caawa suuqa degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo bilowday maqirbki ayaa xoogiisa ka dhacay suuqa qudaarta oo hada ah goobto horay loo oran jiray Barxada Yaasiin.

Sida maamulka degmada uu xaqiijiyey dabkaan ayaa socday mudo laba saacadood oo xiriir ah, waxaana lagu guuleystay in laga gaaro oo uusan ku faafin dhismooyinka waaweyn ee baqaarada ah ee ku yaala suuqa.

Daminta dabka ayaa waxaa ka qeybgalay gaadiidka dab damiska AMISOM, iyo kan maamulla gobolka Banaadir, waxaana hada meelaha qaar laga dareemayaa qaac ka socdo, ma jiro wax holac ah.

Waxaanan wali la ogeyn qasaaraha hantiyeed iyo nafeed ee uu geystay dabka, iyadoo amaanka ay sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Lama oga sababta dhalisay iyo cida ka danbeyso dabka, hase yeeshee suuqa Xamar weyne ayaa hada ah suuq ka mid ah kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho, waxaana uu si aad ah u camirmay marki uu xirmay suuqa Bakaaraha sanadki hore.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.