Dabeeylo iyo Roobab Xoogan oo ku dhuftay qaybo kamid ah Xeebaha Bari

Iyadoo ay jireen warar soo baxayay shalay ilaa maanta kuna saabsan duufaano kusoo wajahan Xeebaha Bari ee Soomaaliya, ayaa Saacadihii ugu danbeeyay waxaa Roobab wata dabaylo Xoogan laga dareemayaa degmooyinka Bandar-bayla, Xaafuun, Eyl iyo Garacad.

Goobjooge ku sugan degmada Bandar-bayla oo kamid ah goobaha khatarta ugu jra duufaantan ayaa loo sheegay in dadku badda isaga soo baxeen iyo goobaha ku dhaw, roobab dabaylo watana ay ka da’ayaan halkaas isla amrkaana jawigu uu yahay mid aad u qabow.

Degmada Garacad ee Gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in baddu soo durugtey roobab dabaylo wataana halkaas ka da’ayaan dadkuna aad uga soo fogaadey dhanka badda cabsina ka jirto, sidoo kale Jariiban ayaa roobabku gaareen waxaana laga sheegayaa roobab dabaylo wata.

Sidoo kale wararka ka’imaanaya magaalada Gaal-kacyo, ayaa sheegaya in halkaas ay ka da’ayaan roobab xoogan islamarkaasna wata dabaylo xowli ku socda.

Duufaantan loogumagac daray (Tropicalstorm), ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa ineey saameyn ku yeelato magaalooyin kale oo dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo caasimadda Muqdisho kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here