Dab xoog leh oo waxyeeleeyey Moqakori

Afar qofood ayaa ku dhaawacmay dab ka kacay deegaanka Moqakori ee gobolka Hiiraan.

Dabka oo la sheegay in uu ka danbeeyey jiko ayaa si dhaqso ah u faafay isaga oo dhulka dhigay guryo badan oo ka samesynaa dhis iyo xaabo kuwaasi oo ay ku gubteen xoolo iyo hanti.

Xoolo isugu jira Ari iyo Lo u badnaa kuwo xirnaa ama mooreysnaa ayaa ku gubtay halka qaar kale oo badana ay soo gaareen dhaawacyo gubniin ah.

Cumar Cilmi oo ka mid ah dadka deegaanka, oo saakay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dabka oo uu sii hurinayey dabeylo xoog leh ayaa sababay in ay ku dhaawacmaan afar ruux.

Moqakori oo u dhaw magaalada Buulabardo waxa ku nool dad u badan beeraley iyo xooladhaqato, waxaana marki danbe daba uu u damay si iskiis ah, isaga oo ku faaray dhul balaaran oo xitaa aanan la dageyn.

Soomaaliya malahan adeegyo dab damis, marka laga reebo magaalooyinka waaweyn sida caasimada oo haatan leh wax ka yar 5 gaari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here