Dab Xalay Qabsaday Suuqa Deegaanka Xawaadleey Ee Gobolka Sh.Dhexe

Warar saakay ka imanaya ayaa waxey sheegayaan in xalay u dab qabaday suuq ku yaala deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh.Dhexe.

Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ah oo lagu magacaabo Nimco Abdikadir Hassan oo saakay lasoo xiriitay warbaahinta ayaa waxa ey sheegtay in ku dhawaad 15-Dukaan oo ku yaalla Bacadlaha Suuqa Xawaadley ay gubteen sida ay hadalka u dhigay.

” Dabka aad ayuu u xoog badnaay waxaa uu gubay ilaa iyo 15 dukaanka”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay sheegtay  in dabka uu ka dhashay Koronto si qaldan isku taabatay, waxaana uu xusay inaysan jirin cid usoo gurmatay marka laga reebo dadka ku dhow dhow deegaankaasi, iyagoo ugu dambeyn Hay’adaha gar-gaarka ka dalbaday in gar-gaar lala soo gaaro.

Sikastaba Waa markii ugu horeysay uu dab qasaaro gaysta uu ka kaco Suuq Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here