Dab xalay qabsaday saldhig boolis oo ku yaala Gaarisa

Dab ayaa ka kacay xarunta ciidanka booliska ee argagixiso la dirirka Kenya ay ku leeyihiin magaalada Gaarisa.

Dabka oo bilowday Fiidki ayaa sababay in ay baab,aan dhismooyin badan oo xarunta ah sida ay sheegeen saraakiisha, hase yeeshee ma jirin dad bani,aam ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay.

Wariyaasha ayaa sheegaya in lala yaabanyahay sababta keentay dabka iyo waxa ku beegay saldhigaasi, waxa kale oo ay soo wariyeen in laga badbaadiyey dabka ilaa 100 maxbuuc oo ku xirnaa.

Gaarisa ayaa todobaadkan u joogtay dilal iyo bam gacmeed lagu weeraray ciidamada, kuwaas oo ay ku dhinteen laba askari.

Kenya ayaa waxa ka jiray weeraro kala duwan oo lagu qaaday dhowr magaalo tan iyo marki ay ciidankeedu galeen Soomaaliya bishi October ee sanadki 2011.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here