Dab bas beeliyay dhismaha warshada Isbuunyada Mubaarak

Xaruuntii ay warshada isbuunyada Mubaarak ku lahayd degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa qabsaday dab aad u xoog badan kaasoo guud ahaanba bas beeliyay xaruunta.

Dabka qabsaday xaruunta warshada Isbuunyada Mubaarak, ayaa la sheegayaa inuu guud ahaanba bur buriyay qalabkii iyo dhismaha warshada, mana jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaas.

Dadkii ka ag dhowaa dhismaha warshada ayaa lasheegay in markii uu dabka qabsaday ay habeenimadiiba isaga carareen iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo uu kasoo gaaro dabka xoogan ee warshada qabsaday.

Majirin wax gurmad dhanka gaadiidka dab damiska ah oo maamulka gobolka katirsan oo halkaas gaaray, waxaana dadka qarkiis ay u sababeeyeen xiliga oo ahaa habeen iyo deegaanka Hiliwaa oo ah meel Qatar ah oo dhibaatooyina ay ka geystaan Al-shabaab.

Laakiin gaadiidka dab damiska ee ay leedahay shirkada Taleefanada Hormuud, ayaa la sheegay ineey ka qayb qaadanayeen daminta dabkaas, laakiin nasiib xumo kuma aysan guuleysan ineey baqtiijiyaan dabkaas xoogan ee xalay qabsaday warshada Isbuunyada Mubaarak.

Warshada Isbuunyada Mubaarak, oo sameysay Joodariyaasha, fadhiyada guryaha iyo waxyaabo kaloo badan aya qaybo kala duwan ku kala leh magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaliya qaarkood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here