Dab ka kacay Suuqa Kismaayo oo Lagu Guulaystay in la Demiyo

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaaya in oo dab xooggan uu maanta ka kacay suuqa shidaalka ee magaaladaasi.

Dabka oo cagta mariyey ilaa labo bakhaar oo kuwa shidaalka ayaa waxaa la sheegay in uu kacay kadib markii ay qaraxday fuusto uu ku jiray Baasiin.

Goobjooge ku sugnaa halka dabka uu ka kacay in goobta ay soo gaareen dagaalyahanda Al shabaab kuwaasi oo ka qeyb qaatay daminta dabka halkaasi ka kacay.

Sidoo kale goob-jooge ah ayaa sheegay in dabka uu ahaa mid xoogan balse markii dambe lagu guulaystay in la demiyo.

Goobta dabka uu ka kacay ayaa ahayd Bakhaar weyn oo lagu iibiyo shidaalka kaasi oo ku yaala bartamaha Magaalada Kismaayo.

Xaaladda ayaa iminka deggan waxaana gebi ahaanba la demiyo dabkii maanta ka kacay suuqa shidaalka Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here