Dab hada ka socdo Suuqa Xamar Weyne

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu dab xoog leh ka holcayo Suuqa degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo bilowday salaadi maqrib kadib ayaanan la ogeyn waxa sababay, waxaana uu xoogiisa ka socdaa agagaarka masaajidka Marwaas iyo dhismooyinka ganacsi ee ku dhaw dhaw.

Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/laahi Sahal Gardhuub oo la hadla goor dhaweyd warbaahinta ayaa ka codsaday dowlada KMG Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada AMISOM in ay usoo gurmadaan suuqa si dabka loo damiyo.

Dabka ayaa wali hurayo, waxaana uu mar hore leefay dhismooyin ganacsi oo la rumeysanyahay in ay ku jirtay hanti fara badan, waxaana hada soconayo gurmad xoog leh, iyadoo amaankana ay sugayaan ciidamada dowlada.

Dad badan ayaa hada ku sugan oo u badan ganacsato, waxaanan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabka.

Wixi kusoo kordha waxaad ku aqrisan doontaan wararkeena soo aadan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.