Daawoo muuqaal qurux badan & sidii Muqdisho looga ciiday

545186348Madaxweynaha Jamuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dabaaldagga Munaasibadda Ciidul Fitriga kala qeybqaatay boqolaal dadweyne ah oo ku damaashaadayay Xeebta Liido ee maagalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sh maxamuud, ayaa la sheekeystay dadweynaha ku sugnaa baararka laga cunteeyo ee ku teedsan Xeebta liido, isagoo ugu dambeyntii la hadlay dadwynaha ku damaashaadayay Xeebta Liido, ugana hambalyeeyay dabaaldagga munaasabadda Ciidda.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dadweynaha ku sugnaa xeebta Liido ugu baaqay in la iscafiyo islamarkaana laga shaqeeyo horumarka iyo Midnimada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kasoo kabanayo burbur iyo Colaad Sokeysa maantana uu soo gaaray meel wanaagsan oo dadlalka caalamka ay ku dhiiranayaan in ay maalgashadaan Soomaaliya kana qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here