Daawo:Bannaanbax lagu taageerayay shirka ka furmay Muqdisho

Dad weyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho oo markii danbe isugu soo aruuray Isgoyska Sayidka, waxayna taageerayeen shirka ansixinta Dastuurka ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxooda ku muujinayeen  in dalku ka gudbo KMG.

Dibadbaxayaasha oo  iskugusoo uruuray barxada isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay socod ku mareen wadada laamiga ah ee isku xirta isgoyska Sayidka iyo barxada iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir oo markii dambe ay isugu soo uruureen.

Dadweynaha ayaa waxay kor u wateen Boorarka ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ka mid yihiin “waxaan dooneynaa Doorasho xalaal ah oo xor ah, 20ka August waa dhamaadka faqriga Soomaaliya,  iyo halku dhigyo kale oo ay dareenkooda ay ku muujinayeen.

Amaanka Bannaanbaxyaasha ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sugayay ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo watay gaadiidka shabaqlaha ah ee dadka rabshadaha sameeya lagu rido.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here