Daawo Xidiga United Pogba oo soo cimreystay

Xidiga haatan ugu qaalisan dunida Kubadda cagta Paul Pogba waxa uu u safray Saudi Araba si uu u xuso bilashada bisha barakeysan ee Ramadan saddex maalmood kaddib markii uu ku guuleystay Europa League.

Pogba waxa uu xirtay dhar cad cad waxaana la arkay naqshad jarmeedkiisa oo bedelan kahor inta uusan ku soo cimreysan Mecca.

24 jirka waa Muslim laakiin lama oga in uu inta bisha ka dhiman ku soomi doono iyada oo uu xiddiga dunida ugu qaalisan ku jiro safka Didier Deschamps ee wajihi doona Paraguay iyo  Sweden.

Pogba waxa uu soo dhigay  muuqaal Instagram ah isaga oo taagan afka hore ee gurigiisa Manchester, waxa uu u sheegay taageereyaashiisa: “Waxaan u socdaa in aan ka soo mahadnaqo ololahan. Halago arko dhawaan Manchester! Waxaan u socdaa cibaadadeyda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here